Dawladda Federaalka oo Cabdicasiis Lafta gareen ka dhigtay Madaxweynaha Koofurgalbeed

19 Dec 2018 (Puntlandes) Doorashada madaxweynaha Koofurgalbeed Soomaaliya ayaa waxaa ku soo baxay sidii la saadaalinayey Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen.

147 xildhibaan ayaa codadkooda dhiibatay doorashada Madaxweynaha Koofurgalbeed waxaana ku tartamay shan musharax oo kala ahaa Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen,Aadan Maxamed Nuur Saransoor, Xuseen Cismaan Xuseen, Ibraahim Macalin Nuunow iyo Seyid Axmed Sheekh Daahir.

Hadal kooban oo uu jeediyay Cabdicasiis Laftagareen ayuu ku tilmaamay maanta inay tahay maalin weyn oo taariikhi ah isagoo u mahadceliyay dhammaan xildhibaanada baarlamaanka Koofurgalbeed.

Cabdicasiis Laftagareen ayaa waxaa madaxweynaha Dowlad goboleedka Koofurgalbeed Soomaaliya afarta sano ee soo socota si khasab iyo jajuub ah uga dhigtay dawladda Federaalka Soomaaliya, taas oo abuurtay qalalaasi siyaasadeed, burbur hantiyeed iyo khasaaro nafeed.

Puntlandes.com

About The Author