MAXAA U HIRGALAY MADAXWEYNE GAAS 5TII SANO EE UU XILKA HAYEY 2014-2018? QAYBTII 1AAD

25 Dec 2018 (Puntlandes) Qoraalkan waxaan ku eegaynaa qaar ka mid ah waxyaabihii u qabsoomey madaxwewyne Prof. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas mudadii 5ta sano ahayd ee uu xilka hayey, 2014-2018.

Prof Gaas Puntland si xoogan ayuu horey ugu dhaqaajiyey mudadii uu xilka hayey, waxyaabo badana wuu qabtey waxaana ka mid ah:

PUNTLAND HA ISKU TASHATO

Madaxweyne Prof Gaas waxa uu xilka la wareegay bilowgii 2014ka iyada oo ay Puntland ka da’een roobab mihiigaan oo khasaaro badan oo ay ka mid ahayd jaridii wadada u dhexaysa Tuulada Suni-jiif iyo magaalada Garowe.

Madaxweyne Gaas waxa uu ku dhawaaqey barnaamij ku cusub Puntland horayna aan la isaga dayin kaas oo ahaa “PUNTLAND HA ISKU TASHATO”, isku tashigaasi wuxuu sababay in si deg-deg ah loogu dhisay buundadii Middigar ee ay ku kacday $1 malyan qiimo ahaa iyadoo aan beesha caalamku waxba ku darsan.

Prof Gaas waxa uu Puntland keenay in bulshada la tuso awoodooda, dhaqaalahooda iyo in ay iskood wax u qabsan karaan waxayna ahayd  arrin aad u wanaagsan, taasina waxay si dhab ah u hirgeli kartaa markii bulshadu ku kalsoonaato maamulkooda oo uu yahay mid ka hufan musuq-maasuq, eex iyo qaraabo-kiil.

Prof gaas ayaa wax yar kadib markuu xilka la wareegay 2014tii waxa uu shacabka reer Puntland u sheegay “haddi 1 malyan oo qof qofkiiba uu 1 doolar bixiyo bishii waxay noqonaysaa $1,000,000 taas oo aynu ku fushan karno hal mashruuc bishiiba…” madaxweynaha ayaa kusii daray in loo baahan yahay in wadankeena uu isbedel ka dhaco, hoos ka daawo.

La soco qaybta 2aad dhawaan

DAAWO MADAXWEYNE GAAS & BILOWGISII ISKU TASHIGA PUNTLAND


Puntlandes.com

About The Author