QAAR KA MIDA CIIDANKII WAARDIYEYNAYEY MUSHARAX SAID DANI OO OO HUB KALA BAXSADAY

26 Dec 2018 (Puntlandes) Warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay Warbaahinta Puntlandes ayaa sheegaya in Musharax Saciid C/laahi Dani ay kala fakadeen 8 ka mid ah ilaaladiisa hub gaaraya 30 qori oo isugu jira kuwa culus iyo kuwa fudud.

Hubkan oo ka koobnaa 7 BKM iyo 23 AK47 ayaa waxaa dhaka maamulka Galmudug ka soo iibiyey ganacsade Maxamuud Shido oo ka mid ah madaxda kooxda Aaran Jaan oo u ololaynaysa Musharax Dani.

Hubka ayaa waxaa qabtay ciidanka Kontroolka koonfurta ee Garowe, halkaas oo uu yaalay ama ku xanibnaa muddo 5 beri kadibna ay dawladdaPuntland u fasaxday markii ay ogaatay cidda leh.

Ilaalada Musharax Dani ayaa wuxuu kala yimid gobolka Bari, waxayna dhawaanahan ka cabanayeen daryeelxumo iyo mushahaar la’aan.

Qaar ka mid ah Ilaalada ayaa gawaari ka dhacay oo dhaawacmay iyagoo ku gudo jira shaqadii ay u hayeen Said dani, kadibna kama aysan helin daryeen musharax Dani mana uusan gayn Ciicbitaal lagu daweeyo sida ogaatay Warbaahinta Puntlandes.

Arintan ayaa dhabar jab wayn ku ah Musharax Said dani oo loolan adag ugu jiray inuu hanto xilka madaxweynaha dawladda Puntland isagoo ay hadda oo uu ku gudo jiro ololihiisa doorashada ay qaar ka mid ah ilaaladiisu hub ugala goostaan daryeel la’aan iyo mushahaar la’aan.

Musharax Said dani ayaa waxa lagu xusuustaa inuu hadda ka hor lagu qabtay Doontii Bosaso hubka siday oo isaga u rarnayd, hubkaas oo ahaa mid sharci daro.

Puntlandes.com

About The Author