MAXAA U HIRGALAY MADAXWEYNE GAAS 5TII SANO EE UU XILKA HAYEY 2014-2018? QAYBTA 2AAD

26 Dec 2018 (Puntlandes) Qaybta Qoraalkan ayaa waxaan ku eegaynaa Barnaamijkii Prof Cabdiwe Maxamed cali Gaas usoo jeediyey ee “Puntland ha isku Tashato” mahsruucii aadka u q iimaha badnaa ee Prof Gaas meel aad u fiican ku keenay ee dhismaha wadada Ceel-Daahir iyo Ceerigaabo.

Iyadoo Mashruucii koowaad ee ay Xukuumadda Prof Gaas isku tashi ku fuliso uu haa dhismihii buundada Middigar ee ay ku kacday $1 malyan qiimo ahaa iyadoo aan beesha caalamku waxba ku darsan, ayaa mashruucii labaad ee si isku tashi ah ay ku hirgeliso xukuumada madaxweyne Prof Gaas ayaa ah dhismaha wadada isku xirta Ceel-Daahir iyo Ceerigaabo.

WADADA CEEL-DAAHIR & CEERIGAABO

Waxaana mashruucan hadda uu marayaa meel aad u wanaagsan, iyadoo wadadu ay wax badan dhaaftay magaalada badhan. Xukuumadda Prof Gaas ayaa dadaal xoogan u gashay sidii ay ku rumoobi lahayd Riyadii mudada dheer soo jirtay ee ay shacabka gobolka Sanaag ku taamayeen inay helaan wado kor u qaada ku qaada dhaqaalahooda iyo isku socodkooda.

Wadada Ceel-Daahir iyo Ceerigaabo ay dhaqaalaha Xukuumadda Prof Gaas u qoondaysay waa sida:

  • Wadada Ceel-Daahir iyo Ceerigaabo 3% ayey dakhliga dekadda ka qaadataa.
  • Wadada Ceel-Daahir iyo Ceerigaabo 2% dakhliga airporka.
  • Wadada Ceel-Daahir iyo Ceerigaabo Iskuulada iyo gaadiidkana lacag baa u saaran.
  • Madaxweyne Prof Gaas waxa uu ku wareejiyey $1,000,000.00
  • Madaxweyne Prof Gaas ayaa u weeciyey $1,500,000.00 oo ah lacagtii EU du ay Puntland ugu talogashay.

Si kastaba ha ahaatee Prof Gaas wuxuu ku bixiyey Wadada Ceel-Daahir iyo Ceerigaabo dadaal iyo juhdi faro badan, taas oo danta uu ka lahaa ay ahayd Puntland loo siman yahay, Puntland wada horumarta iyo inuu wax ka bedelo nolosha shacabka gobolka sanaag taas oo suurto galaysa markay helaan kaabayaal dhaqaale oo ay wadadu ugu horeyso..

Doorka aadka u xoogan ee xukuumadda Prof Gaas ka sokow waxaa iyana si hufan uga qaynb qaatay shacabka reer Puntland oo jecel horumarka dalkooda kuna taageeray, kuna aaminay xukuumadda mashruucaas qiimaha leh ee ay ku wado sida isku tashiga ah.

La soco qaybta 3aad dhawaan

Halkan ka akhriso

Qaybtii 1aad: PUNTLAND HA ISKU TASHATO

 

Daawo halkii ay maraysay wadadu bartamihii  bishii okt ee sanadkan 2018ka

Puntlandes.com

About The Author