Kutlada Badbaado ee Xildhibaannada oo sharci daro ku tilmaamay magacaabidii Garsoorayaasha Maxkamadda Sare

27 Dec 2018 (Puntlandes) Kutlada Badbaado Qaran oo ay ku bahoobeen Xildhibaano ka tirsan Labada Gole iyo Xisbiyo siyaasadeed ayaa sharci darro ku tilmaamay magacaabidii Madaxweyne Farmaajo ee Garsooreyaal ka tirsan Maxkamadda Sare.

War murtiyeed ay soo saareen Kutlada Badbaado Qaran ayaa waxay ku sheegeen in Madaxweynaha uu magacaabay 24 kii bishan Afar Garsoore, taasoo ay tilmaameen in tirada Garsoorayaasha ay ka dhigeyso 10 Garsoore, halka tirada sharciga ee Garsoorayaasha Maxkamadda Sare ay tahay 9 Garsoore, taasoo sharci darro ah, maadaama aan loo marin habraaca uu sheegayo Dastuurka KMG ah sida lagu yiri War murtiyeedka.

Sidoo kale waxaa ay sheegeen in magacaabida Guddoomiyaha xilligan ee Maxkamadda Sare aan loo marin wado sharci ah, sidaas darteedna uusan laheyn awood sharci ah uu ku soo jeedin karo magacaabis Garsoorayaal isaga la darajo ah.

Madaxweyne Farmaajo ayaa labo jeer qaab xulasho ah u magacaabay Garsoorayaal ka tirsan Maxkamadda Sare, waxaa uu horay u magacaabay 5 garsoore, halka 24-kii bishan uu magacaabay 4 Garsoore, iyadoo bartamihii sanadkan uu magacaabay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo isna Garsoore ah, sida dastuurka qabo ayaa ah in 9 Garsoore ay yeelato Maxkamadda Sare oo uu ku jiro Guddoomiyaha Maxkamadda Sare.

Kutlada Badbaado Qaran ayaa ku eedeeyay Madaxweynaha inuu ku tumanayo Dastuurka, isla markaana si baal marsan sharciga u magacaabayo Garsoorayaasha Maxkamadda Sare.

Akhriso war murtiyeedka


Puntlandes.com

About The Author