Sawirro: Safiirka Soomaaliya u fadhin doona Ethiopia oo Waraaqaha Aqoonsigau u gudbiyey Madaxweynaha dalkaasi

27 Dec 2018 (Puntlandes) Safiirka Soomaaliya u fadhin doona dalka Ethiopia Mudane Ali Sharif Ahmed ayaa maantay oo Taariikhdu tahay 27 December 2018 u gudbiyey Warqada magacaabista (Accreditation Letter) Madaxweynaha Ethiopia Marwo Sahle-Work Zewde. 

Danjire Cali Shariif Axmed Safiirka ayaa Madaxweynaha Dawladda Ethiopia u gudbiyey salaan uu uga waday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Abdullahu Farmaajo. 

Sidoo kale Safiirka ayaa uga tacsiyeeyey Madaxweynaha Ethiopia geeridii ku timid madaxweynihii hore oo Ethiopia Mudane: Girma Wolde-Giorgis oo dhawaan ku geeriyooday Dalka Ethiopia. 

Danjire Ali Sharif Ahmed ayaa xusay ahmiyada ay leedahay xoojinta xiriirka  labada dal ee Soomaaliya iyo Ethiopia, waxaana  sidoo kale Safiirka uu bogaadiyey isbadalka ka dhacay Geeska Africa iyo ahmiyada ay u leedahay labada bulsho ee Soomaaliya iyo Ethiopia in la abuuro isdhexgal dhaqaale. 

 


Puntlandes.com

About The Author