Daawo Video: Prof Gaas oo sheegay inuu doorashada ku galayo isagoo saxaya wixii ka qaldamay iyo dal daloolooyinkii maamulkiisa

29 Dec 2018 (Puntlandes) Madaxweyanaha dawladda Puntland isla markaasna ah musharax madaxweyne ee 2019ka oo ka hadlay xalay xaflad ay jaaliyadda Puntland ee Minneapolis ku taageerayeen musharaxnimadiisa ayaa ugu horayn tilmaamay hogaamiyaha ay Puntland u baahan tahay wuxuuna yiri “Puntland waxay rabtaa in garasho lagu difaaco, waxay rabtaa in aqoon lagu difaaco, waxay rabtaa in khibrad lagu difaaco”

Prof Gaas oo ka hadlay 5tii sano oo uu madaxweynaha ahaa ayaa sheegay in uu wax wanaagsan qabtay, waxna ka xumaadeen ama sidii la rabay uusan wax uga uga qaban, wuxuuna caddeeyey inuu doorashada ku galayo isagoo yaqaana wixii uu saxay, wixii ka qaldamay iyo dal daloolooyinkii maamulkiisa, sixi doonana haddii jaanis loo siiyo mar kale.

Prof Gaas oo ka hadlaya waayo aragnimadiidsa ayaa yiri “dabcan 5tii sano ee aanu meesha joognay waxna waan wanaajinaynaa waxna waa naga xumaanayaan, waxna waan ka il-duufaynaa, waxna waan bi’inaynaa, marka waxaan rajaynaynaa in aan doorashadaan ku galno anagoo og waxaana saxnay, anaga oo og waxaana qaladnay, anagoo  og dal-daloolooyinka jira iyo ciladaha jira iyo weakness-ka jira iyo inta aanu ku wanaagsan nahay intaba in aan doorashada ku galno, khibradaa anagoo leh”

Prof Gaas ayaa farta ku fiiqay qaar ka mid ah meelaha uu awooda saarayo haddi mar kale loo doorto madaxweynaha Puntland ayaa yri “anagoo aragnay 5 sano baahida dalka, dadkayagu waxay ku haminayaan, dadkayagu waxay rabaan oo ay hiigsanayaan,, in aan doorashada ku galno ayaan rajaynayaa .. anigana baahi gaar ah oo i wada oo aan ku ordayo ma jirto laakiin waxaana rabnaa Puntland oo xoog leh, Puntland ta cusub ood oo aad rajaynaysaan ,, ha noqoto caafimaad, ha noqoto waxbarasho, ha noqoto biyo, ha noqoto infrastructure development….”

Daawo khudbadii Prof Gaas

Puntlandes.com

About The Author