Golaha Shacabka oo ansixiyey xeer hoosaadka Golaha oo dib u eegis lagu sameeyay

30 Dec 2018 (Puntlandes) Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta cod aqlabiyad leh ugu codeeyay xeer hoosaadka Golaha Shacabka oo dib u eegis lagu sameeyay, iyadoo ay 170 xildhibaan ayaa ogolaatay halka uu hal xildhibaan diiday mana jirin wax ka aamusay.

Dhinaca kale Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa ansixiyay sharciga howlgabnimada, xaqsiinta iyo hibooyinka xubnaha ciidamada qalabka sida oo ay soo diyaariyeen guddiga difaaca ee Golaha Shacabka.

171 Xildhibaan ayaa ogolaatay, waxaa diiday 2 Xildhibaan, Xildhibaan ka aamusayna ma jiro.

Guddoomiyaha guddiga difaaca ee Golaha Shacabka Xildhibaan Xuseen Carab Ciise ayaa u mahad celiyay Xildhibaanada Golaha Shacabka sida wanaagsan oo ay u ansixiyeen sharciga howlgabnimada,xaqsiinta iyo hibooyinka xubnaha ciidamada qalabka sida.

Dhinaca kale Waxaa wali xarunta golaha shacabka ee Magaalada Muqdisho ka socda kulanka 32-aad ee golaha shacabka, iyadoo wali uu dhimanyahay u codeynta Miisaaniyadda dowladda ee 2019-ka.

Puntlandes.com

About The Author