01 Jan 2019 (Puntlandes)  Madaafiic xooggan ayaa waxaa goordhow lagu garaacay xarunta Xalane ee degmada Wadajir, ee magaalada Muqdisho.

Madaafiicdaas oo aan ilaa iyo hadda la garan halka laga soo tuuray ayaa jugtooda waxaa laga maqlay inta badan xaafadaha degmada Wadajir, waxaana dadka Xaafadaas ay sheegeen inay maqleen jugta ilaa afar madfac.

Wararka qaar ayaa waxay sheegayaan in gudaha xarunta Xalane ee beesha caalamka ay ka degan tahay Muqdisho ay ku dhaceen qaar ka mid ah madaafiicda, balse aan weli la garan karin khasaaraha ka dhasahay.

Puntlandes.com

About The Author