02 Jan 2019 (Puntlandes) Ururka Midowga Yurub oo hay’adda ugu weyn ee deeqaha siisa Soomaaliya ayaa si cad ugu soo horjeesatay go’aanka ay qaadatay dowlada Soomaaliya. Qarashka ku baxa ciidanka ilaalada ee  AMISOM waxaa si joogta ah u bixiso Ururka Midowga Yurub.

Midowga Yurub ayaa ku tilmaamay wax laga xumaado go’aanka aan laga fiirsan oo ay qaadatay dowlada Soomaaliya. EU ayaa sidoo kale waxa ay cambaaraysay weerarkii lagu qaaday xarunta UNta ee Xalena.