DEG DEG WAFDIGII WASIIRADA AHAA EE VILLA SOMALIA USOO DIRTAY GAROWE OO ISKU AAMINI WAAYEY CAASIMADDA PUNTLAND!!

08 Jan 2019 (Puntlandes)  Villa Somalia ama dawladda Nabad iyo Nolol ayaa galabta Wafdi ay hogaaminayeen wasiirka armaha dibadda dawladda Federaalka Axmed Ciise Cawad iyo wasiirka Kalluumaysiga Bidhaan usoo dirtay caasimadda Puntland  kadib markii uu maanta ku guulaystay madaxweynaha Puntland Siciid cabdulaahi Deni.

Wafdiga ayaa isla markay kasoo dageen Garoonka Gen Maxamed Abshir ee Garowe waxay booqdeen Madaxweynaha cusub ee maanta la doortay Saciid Deni, kadibna waxaa la dejiyey Hotel ka mid kuwa magaalada.

Warbaahinta Puntlandes ayaa ogaatay in wafdiga wax yar ka dib ay ku wargeliyeen madaxweynaha cusub ee Puntland Saciid Deni iyo Senator Faroole in amnigoodu uu khatar ku jiro ayna seexan karin caawa Hotelka.

Faroole iyo Deni ayaa la xiriiray Farmaajo iyo Khayre, kadibna waxay la hadleen madaxda Xarunta UN ku ku leeyahay caasimadda Puntland ee Garowe waxayana ka codsadeen  in wafdigu seexdaan halkaas maadaama ay u baqayaan amniga wasiirada dawladda Federaalka, waana laga aqbalay.

Waa markii ugu horaysay oo marti ku sugan caasimadda Puntland ee Garowe ay amnigooda ku aamini waayaan, ayna u qaxaan Xarunta UN ka, lama yaqaan waxa ay Faroole iyo Deni uga cabsadeen saaxibadooda Nabad iyo Nolol ama cida ay ku tuhmayaan inay amnigooda khatar ku yihoiin.

Dhacdadani waxay ceeb ku tahay dawladda Puntland oo 21 sano uu ku dhow yahay jiritaankeedu, waxayna ku soo beegmaysaa iyadoo maanta madaxweynaha cusub ee Puntland loo doortay Siciid Deni oo ay ay taagerayeen sidii uu xilka ku hanan lahaa kooxaha Aaran Jaan, Dam Jadiid iyo Nabad iyo Nolol.

Puntlandes.com

About The Author