Sawirro-muuqaal: Madaxweynaha Puntland oo Xilka Kala Wareegey Madaxweynihii Hore ee Puntland

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta oo taariikhdu tahay 14 January 2019 xilka si rasmi ah ugala wareegey Madaxweynihii hore ee Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Munaasabadda xil wareejinta oo ka dhacaday qasriga Madaxtooyada Dowladda Puntland ee Garoowe ayaa waxaa kasoo qayb galay Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Dowladda Puntalnd Eng. Cabdixakiin Cabdullaahi Xaaji Cumar Camey,  masuuliyiin ka tirsan goleyaasha dowladda Puntland, cutubyo ka tirsan ciidamada Puntland, saraakiil ciidan, iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Dowladda Puntland.

Madaxweynaha Dowladda Puntland  Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo Madaxda dowladda Puntland ee ka soo qayb gashay munaasibadda xilwareejinta ayaa salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidamada Puntland, intaasi ka dib Madaxweynaha Puntland oo munaasabaddaasi  khudbad taariikhiya ka jeediyey ayaa waxaa uu tilmaamay in uu ku faraxsan yaahay midnimada, wadajirka iyo bisaylka siyaasadeed ee Puntland gaadhay.

“Waxaa sharf weyn ii ah in halkan maanta kula wareegno xilkii  shanta sano ay soo hayeen Madaxweyne Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Madaxweyne Ku-xigeen ka Puntland Eng. Cabdixakiin Cabdullahi Xaaji Cumar Camey oo aan aamin sanahay maalintii lagu wareejiyey meeshii laagu dhiibey in ay horey uga sii qaadeen, sida ka muuqata warbixinta mashaariicda qabsoomtey iyo kuwa socdaba, waxaa anaguna balan qaadaynaa haduu ala idmo inaan meeshaas kasii qaadno meel kasii durugsana gayno, dowladu waa qori isku dhiib waxaan Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka uga mahadcelinayaa intii ay hayeen xilka waxay qabteen wax waaweyn oo lagu xuso“Ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni.

Madaxweynihii hore ee Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo khudbad taariikhi ah ka jeediyey madasha xil wareejinta ayaa xaqiijiyey in ay ka tegayaan mashaariic horumarineed oo dhammaaday iyo kuwo socda oo Madaxweynaha cusub iyo Ku-xigeenkiisa ay dhammaystiridoonaan.

“Waxaa farxad weyn ii ah maanta iyo maamuus inaan xilka si rasmi ah ugu wareejiyo Madaxweynaha la doortey ee Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni waxaana ku wareejinayaa dhismayaasha Madaxtooyooyinka Garoowe , Gaalkcyo, Boosaaso iyo Qardho, xarunta taliska ciidanka Madaxtooyada oo dhismo gaar ah leh, ciidamada Dowadda oo kala ah Daraawiishta  Booliska, Asluubta, Nabad sugidda (PISA), Ciidanka Badda (PNPF)iyo ciidanka la dagaalanka argagixisada (PSF)” Ayuu yiri madaxweynihii hore ee Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Ugu danbeyntii Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Sicid Cabdullaahi Deni oo ay wehliyaan Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan karaash Madaxweynihii Hore iyo Madxweyne Ku-xigeenkii hore ee Dowladda Puntland, ayaa kormeer ku sameeyey qaar kamid ah xarumaha Dowladda oo ay kamid ahaayeen Wasaaradda Deegaanka iyo isbadalka cimilada, Wasaaradda Diinta iyo awqaafta. Wasaaradda Caafimaadka, Wasaaradda Haweenka iyo Arrimaha Qoyska, Wasaaradda Arimah Gudaha iyo Dowaddaha Hoose, Wasaaradda Maaliyadda Xarunta laanta socdaalka iyo Jinsiyadaha iyo Tiifiiga iyo Idaacadda Dowladda Puntland.

 


????????????????????????????????????

????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????
????????????????????????????????????

????????????????????????????????????


Puntlandes.com

About The Author