Madaxweyne Farmaajo oo lacag badan ku bixiyey soodhawayntiisii Garowe

26 Jan 2019 (Puntlandes) Madaxweyne Farmaajo oo saaka soo gaaray magaalada Garowe ee caasimada Puntland, ayaa waxa uu ku bixiyey lacag aad u tiro badan soo dhawayntiisa.

Magaalad Garowe ayaa waxaa kusoo dhaweeyay dadweyne tiro badan, iyadoo uu madaxweynaha Puntland, kuxigeenkiisa ,gudoonka Baarlamaanka ,wasiiro iyo dadweyne tiro badan ay kusoo dhaweeuyeen Garoonka.

Madaxweyne Farmaajo oo u yimid Garowe ka qeybgalka xaflada caleemo saarka madaxweynaha cusub ee Puntland Deni ayaa warbaahinta Puntlandes waxay ogaataay in xalay oo dhan ay magaalada Garowe ka wadeen Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka abaabul iyo bixin lacag aad u tiro badan oo ay u qabiyeen Barakacaasha Garowe.

Hoos ka eeg sawirrada barakacaasha lacagta lagu soo saaray

Farmajo ayaa soo dhawayntiisa waxa uu halkii Barakace oo ka tirsan  Barakacayasha  Garowe ku siiyey 10$, taas oo ay xalay qaybiyeen qaar ka mid ah wasiiradii iyo Xildhibaanda labada Aqal.

Dhanka kale GFarmaajo ayaa iska diiday inuu la hadlo Barakacayaashii tan iyo saaka u taagnaa Barxadda Garowe, wuxuuna ku dhaafay hal-hakeen  iyagoo aad uga xumaaday, maadaama uu yasay Barakacaasha oo uusan la hadlin.

Hadaba maxay tahay faa’iidada ugu jirtaa Farmaajo inuu Barakacayaal uu soo kiraystay uu u muujiyo inay yihiin shacab taageero xoogan u haya maamulkiisa fashilmay?

Hoos ka daawo sawirka Farmaajo oo lagu jarjaray Garowe

Puntlandes.com

About The Author