Dawladda Federaalka oo faah faahin ka bixisay Shirka London ee lagu suuq-geynayo Shidaalka Soomaaliya

26 Jan 2019 (Puntlandes) Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa faah faahin ka bixisay shir looga hadlayo shidaalka Soomaaliya oo bisha soo socota ee February ka dhacayo magaalada London.

Qoraal ka soo baxay Wasaaradda ayaa lagu sheegay in shirkaas uu yahay mid lagu soo bandhigayo kheyraadka Shidaalka uu leeyahay dalka iyo sidii loo bixin lahaa ruqsado ama shati ku saabsan shidaal qodista.

Wasaaradda ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamtay in shirkaas lagu suuq geynayo shidaalka Soomaaliya, isla markaana lagu bixinayo xirmooyin dhan 50 Blocks.

Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook kaga hordhacay shirkaas, isagoo ku tilmaamay inuu yahay shir lagu xaraashayo shidaalka Soomaaliya, isla markaana lagu bixinayo illaa 50 Blocks shidaal qodis ah oo la siinayo shirkado shidaalka baara.

Wasaaradda ayaa beenisay in shirkaas lagu xaraashayo shidaalka Soomaaliya, iyadoo ay si cad ugu taal Page-ka lagu xayeysiiyay shirkaas laguna soo bandhigay macluumaadka shirka ka dhacaya London in shirka lagu xaraashayo xirmooyin dhan 50 Blocks, kaasoo ah dhul dhan 173KM, waxaa kaloo page-ka ka muuqday qariirada goobaha sahminta shidaalka lagu sameynayo

Shirka looga hadlayo shidaalka Soomaaliya oo dhici doona 7-da bisha February ayaa lagu soo beegay maalin ka hor sanad-guurada labaad markii la doortay Madaxweyne Farmaajo.

Puntlandes.com

About The Author