Sawirro: Madaxweyne Farmaajo oo balan-qaaday wada shaqeynta Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada

27 Jan 2019 (Puntlandes) Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo ka qaybgalay munaasabad lagu caleemasaaray Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa sheegay in Dowladda Federaalka ay ka go’an tahay adkeynta wadashaqeyn buuxda oo ka dhaxeysa Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada dalka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa tilmaamay muhiimadda midnimada, wadajirka iyo iscafinta si loo helo Dowlad ka shaqaysa xaqiijinta himilooyinka shacabka Soomaaliyeed iyo dib u soo celinta maqaamkii ay ku lahaayeen dunida.

“Qarannimada waxa lagu gaari karaa iyada oo la helo Dowlad Goboleedyada iyo Dowladda Federaalka oo wadashaqayn iyo waxqabad leh. Wadashaqayntu waa iyada oo la wada tashado, la isu tanaasulo, wax la wada qorshaysto, loona turo shacabka Soomaaliyeed. Waanu ognahay meesha uu khilaafku ina gaarsiiyey dhowr iyo labaatankii sanno ee la soo dhaafay”ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay inuu dhameyn doono wixii khilaaf ee dowladda dhexdeeda, isagana uu yahay odaygii u dhaxeeyay, waxaa uu tilmaamay in Hey’adaha dowladda ay jilicsan yihiin, taasna ay sabab u tahay khilaafka.

Waxaa uu sheegay in wixii hadda ka bilowdo uu cafiyay dhammaan inta wax ka tabaneysa, isagana ay sidaas oo kale la cafiyo oo laga noqdo wixii hore xalay dhalay sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale waxaa uu soo hadal qaaday Mucaaradka, isagoo xusay in loo baahan yahay mucaarad, balse aan loo baahneyn mucaarad dowladdo shisheeye dano ka raad-sada.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in dadaalkii dowlad dhiska Puntland ay qayb muhiim ah ka ciyaareen qaybaha kala duwan ee bulshada, gaar ahaan Odayaasha Dhaqanka, Culimada, Warbaahinta iyo Ganacsatada, ayna mudan yihiin in la aqoonsado doorkoodii miradhalka ahaa, laguna bogaadiyo.

Puntlandes.com

About The Author