8 qof oo ku dhimatay shil gaari oo ka dhacay duleedka Garowe.

0

Shil baaruun oo ka dhacay inta u dhaxaysa Buurtinle iyo Garowe ayaa keenay dhimashada 8 ruux iyo dhaawac intaas ka badan ka dib markii ay isku dhaceen labo gaari oo wadada ku safrayey.

181

Dadka shilka ku dhintay ayaa waxa ka mid ah Cabdishakuur Maxamud Guray Agaasimihii horre ee hay,adda Daryeelka Bulshada Puntland ka dib markii gaari uu watay masuulkan isku dhaceen gaari kale oo nooca noohada loo yaqaano ayna la socdeen dad u badan shacab.

Isbitaalka guud ee magaalo madaxda Garowe ayaa lasoo gaarsiiyey dadka dhintay iyo kuwa ku dhaacmay shilka khasaaraha badan geystay, waxaana ku jira dhaawacya Sheekh Qorane oo ka mid culimada waaweyn ee caanka ka ah Gobolada Puntland.

Pes waxay ka tacsiyeynaysaa dadkaas ku geeryooday shilkaas, Allah ha u naxariisto.

 

Xafiiska wararka

Puntlandes.com

About The Author

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *