Xog: Prof Cali Khaliif Galayr iyo wafti uu hogaaminayo oo gaaray magaalada Bursaalax.

0

Pes Bursaalax: War xaqiiq ah oo ay heshashay shabakada warlaliska Puntlandes ayaa noo xaqiijiyey in Prof Cali Khaliif Galyr iyo wafti balaaran oo Khaatumo ah oo uu hogaaminayo Prof Cali ay caawa ku sugan yihiin magaalada Bursaalax ee gobolka mudug.

Waftigaas wuxuu ka kooban yahay isimo, siyaasiyiin, aqoonyahano iyo waxgaran. Ujeedada safarkooda Bursaalax ayaa Pes loo xaqiijiyey in uu ku salaysan yahay shirwayne ay isugu imanayaan bealaha Harti loona badinayo in uu u sii gudbo shir beelaha Daarood. Wuxuuna marka hore ku bilabanayaa wado hadalo dhexmara Puntland oo hogaaminaayo madaxwayne Dr Gaas iyo Khaatumo oo uu hogaaminaayo aasaasaheeda Prof Cali. Waxaana lagu wadaa in uu ay u gudbaan waftiga Galayr Burtinle oo ah halka loo qoondeeyey in uu shirku ka dhaco.

 

Xafiiska wararka

Puntlandes.com

About The Author

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *