Daawo Video-sawirro: Madaxweynaha Puntland oo xafiiskiisa ku qaabilay qaar kamid ah bulshada kasoo jeeda gobolada Koonfur-galbeed ee ku dhaqan gobolada Puntland.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa caawa 31 Janaayo 2019 xafiiskiisa ku qaabilay qaar kamid ah bulshada kasoo jeeda gobolada Koonfur-galbeed ee ku dhaqan gobolada Puntland.

Kulanka waxaa sidoo kale ka qayb galay xildhibaano iyo masuuliyiin kala duwan oo ka tirsan Dawladda Federaalka Soomaaliya, ganacsato, aqoonyahano iyo odayaasha dhaqanka ee bulshadaas.

Xubnaha kulanka ka qayb galay ayaa Madaxweynaha Puntland uga mahadceliyey sida wanaagsan ee uu xafiiskiisa ugu soo dhoweeyey, waxayna sheegeen inay si gaar ah ula shaqayn doonaan Madaxweynaha iyo dhammaan masuuliyiinta dawladda.

Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa ku amaanay bulshadaas kaalinta wanaagsan ee ay kaga jiraan kobcinta arrimaha ganacsiga iyo dhaqaalaha Puntland, wuxuuna tilmaamay inuu si gaar ah ula socon doono xaaladdaha kala duwan iyo horumarka bulshada koonfur-galbeed ee ku dhaqan gobolada Puntland.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa ku adkeeyey inay dawladda kala shaqeeyaan bixinta cashuuraha si loo gaaro horumarka ay Puntland hiigsanayso taasoo u baahan in si wada jir ah looga shaqeeyo kobcinta cashuuraha Puntland.

Xildhibaan Hani Maxamed Aadan oo kamid ah xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya oo kulanka ka qayb gashay ayaa ka warbixinaysa.

“waxaan rajaynayaa in wada shaqayn fiican ay dhex mari doonto Madaxweynaha iyo bulshada koonfur-Galbeed ee ku dhaqan Puntland, sidoo kale waxaan diyaar u nahay in laga wada shaqeeyo ganacsiga, amniga iyo waxbarashada haddii alle idmo” ayay tiri Xidlhibaan Hani Maxamed Aadan.



Puntlandes.com

About The Author