PUNTLAND: KULANKII XISBIGA HIMOLO QARAN & DADWEYNAHA GAROWE (MUUQAALO)

31 Jan 2019 (Puntlandes) Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna hogaamiyaha Xisbiga Himilo Qaran mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa magaalada Gorowe, gaar ahaan hoolka Jaamacadda Bariga Afrka faraceeda magaalada Garowe,  kaga qayb galay kulan Xisbigiisa iyo dadwaynaha Garowe ah.

Kulanka oo waxaa loogu magacdaray  Doorka Xisbiyada ee Xoojinta Qaranimada & dowladwanaaga ayaa waxaa kala qayb galay Gudoomiyaha kumeelgaarka ah ee Xisbiga isla markaasna ah xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Xil Saleebaan Maxamuud xaashi, Xildhibaano, marti sharaf iyo dadweyne aad u tiro badnaa,

Gudoomiyaha Xisbiga Himilo Qaran ayaa ku dheeraaday qaabdhismeedka Xisbiga iyo meesha uu marayo dhismihiisu, hoos ka daawo.

Madaxweynihii hore ee Dalka Somaliya mudane Sheekh shariif Sheakh Axmed ayaa ku dheeraday doorka ay Xisbiyada ku yeeyihiin Xoojinta Qaranimada iyo dowlada Wanaaga, hoos ka daawo.


Puntlandes.com

About The Author