Madaxweynaha Koofur Galbeed oo magacaabay Golihiisa Wasiirada

02 Feb 2019 (Puntlandes) Madaxweynaha Koofur Galbeed C/casiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) ayaa magacaabay Gole Wasiiro ka kooban 10 Wasiir.

Wareegto uu soo saaray Madaxweynaha Koofur Galbeed ayaa 10-ka Wasiir uu magacaabay ayaa waxaa ku jira wejiyo cusub ah, iyadoo la filayaa inuu dib ka soo magacaabo Wasiir Kuxigeeno iyo Wasiiru dowlayaal, si uu u dhameystiro Golihiisa wasiirada.

Magacaabida Golaha Wasiirada kaddib ayaa Madaxweynelaha Koofur Galbeed C/casiis Lafta Gareen waxaa uu u soo duulay magaalada Muqdisho.


Puntlandes.com

About The Author