MADAXWEYNIHII HORE EE PUNTLAND DR GAAS OO SAFAR DIBADA AH U BAXAY, LANA HADLAY SHACABKA

02 Feb 2019 (Puntlandes) Madaxweynihii hore ee dawladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta u dhoofay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, iyadoo ay Garoonka Gen Maxamed Abshir  ku sagoontiyeen Golihiisii wasiirada iyo saraakiisha Madaxtooyada.

Dr Gaas oo saxaafadda la hadlay intii uusan dhoofin ka hor ayaa yiri ”Shacabka waxaan kula dardaarmayaa inay dawladnimadooda xajistaan, inayAmnigooda ka shaqeeyaan, inay dhaqaalahooda dawladnimadooda taabagelaysa baritaaraan”

Gaas oo shacabka kula dardaarmay inay la shaqeeyaan madaxweynaha cusub ayaa yiri ”Xukuumad cusub baa timid waa in si fiican loola shaqeeyo oo la garab istaago, madaxwynuhu markuu cusub yahay waa marka uu ugu baahi badan yahay taageerada shacabkiisa marka in si dhow oo wanaagsan loola shaqeeyo, horumarka Puntland cid kasta ayuu dan u yahay, dib u dhaca Puntland na cid kasta ayuu dareen ku yahay”

Ugu dambaytii Dr Gaas shacabka kula dardaarmay inay  ilaashadaan horumarka ay haystaan kalana shaqeeyaan amniga dawlada cusub wuxuuna yiri ”Guul iyo khayr baan u rajaynayaa Puntland, Puntland  way socotaa, meel fiican bay gaaraysaa, iftiin wanaagsan baa meel kasta muuqda, marka waxaanu r abnaa in aanu hiigsano iftiinkaas iyo horumarkaas noo muuqda dhamaanteen, wax badan oo aanu ku shukrino oo Allah ugu xamdinaqno ayey Puntland haysataa, marka in aynu iyadana xagsano siina kobcino oo ku dadaalno amnigu ha ugu horeeyo horumarka dhaqaale ha ku xigsado, dawladnimada dhisideeda iyo in marxalada kala guur ah si fiican loo hor istaago xukuumadda cusub”

Daawo Dr Gaas oo saxaafadda la hadlay


Puntlandes.com

About The Author