Daawo Video: Muuse Biixi oo afka furtay sidii Faysal Cali Waraabe

02 Feb 2019 (Puntlandes) Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi oo ka hadlayay Munaasabad lagu xusayay aasaaska Ciidamadiisa ayuu eedeymo aan loo meeldayin u jeediyay Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Muuse Biixi ayaa  afka u furtay sidii lagu yaqaanay Faysal Cali waraabe, oo Soomalidu ay ku maadaystaan.

Muuse ayaa Farmaajo ku eedeeyay in uu isaga gadaal ka riixayay dagaalka Tukaraq ku dhexmaray Ciidamada Puntland iyo Somaliland oo ay ilaa haatan isku hor fadhiyaan., kaas oo ka dhashay weerar gaadmo ah oo uu Muuse ku soo qaaday Puntland.

Muuse Biixi ayaa ku eedeeyey Farmaajo in tan iyo markii la doortay uu ku howlanaa cunaqabataynta iyo dhibaateynta Somaliland.

Waxyaalaha in lagu maadaysto mudan ayaa ah eedaynta Muuse Biixi ee la xiriirtay in Aqoonyahan Dr Cali Ciise doorashadii madaxweynaha ee Puntland loo dooran waayey inuu yahay Somaliland, Cajiib.

Muuse Biixi ayaa yiri  “Tan iyo markii la doortay Madaxweyne Farmaajo wuxuu ku hawlahaa sidii uu u dhibaateyn lahaa Somaliland. Wuxuu doonayaa inuu sameeyo xuduudo beeleed, dowladiisuna waxay ka arrimisaa Banaadir [Muqdisho] oo keliya, marka maxuu Somaliland uga hadlayaa,”

Daawo eedaymaha Muuse Biixi Farmaajo ku eedeeyey dagaalka Tukaraq

Puntlandes.com

About The Author