Muuqaalo: Galmudug oo laga dhaqan gelinayo canshuur qaadid rasmi ah & madaxweynaha Galmudug oo booqday Garoonka Cubadda ee k galkacyo

03 Feb 2019 (Puntlandes) Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Gelle Xaaf ayaa koonfurta magaalada Gaalkacyo kula kulmay maamulka Gobolka Mudug Saraakiisha amaanka magaalada Galkacyo iyo Maamulka Degmada Gaalkacyo ee dhanka Galmudug, waxaana goobjoog ahaa kulankan wasaarada Maaliyada Galmudug iyo wasaarada Amniga Galmudug

Kulanka ayaa intiisa badan waxaa looga hadlay amniga koonfurta magaalada Galkacyo iyo sidii loo bilaabi lahaa qaadida Canshuuraha.

Madaxweynaha Galmudug ayaa intaas kadib amray in Canshuurta la qaado lagu shubo wasaarada Maaliyada Galmudug waxa uuna shacabka Magaalada Galkacyo ka codsaday in ay Canshuuraha dhiibaan lana shaqeeyaan laamaha amaanka iyo Maamulka Degmada

Dhanka kale Madaxweynaha ayaa waxa uu ka qayb galay daawashada labo kooxood oo kala matalayay Dugsiyada sare ee ku yaala koonfurta magaalada Gaalkacyo kuwaas oo oo ciyaar ku dhaxmartay Garoonka kubada cagta Cabdullahi Ciise.

Madaxweynaha Galmudug ayaa dhalinta Magalaada Galkacyo ku dhiiri galiyay in ay sii laba jibaaraan hormarka sports-ka waxa uuna ugu bishaareeyay in dhawaan garoonka la saari doono roog macmal ah loona wayneen doono garoonka


Puntlandes.com

About The Author