Sawirro: Wasiirka Waxbarashada & Tacliinta Sare ee Puntland oo booqday mashruuca horumatinta Degmada Bursalaax

18 Marso 2019 (Puntlandes) Wafdi Ballaaran oo uu hor kacayo Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee dawladda Puntland C/laahi Maxamed xasan ayaa booqasho u guurgal ah ku tagay Mashruuca horumarinta Degmada Bursalaax.

Wafdiga wasiirka ayaa waxa ka mid ahayeen Wasir kuxigeenka Wassaradda , Gudoomiyaha Waxbarashada Gobolka  Mudug iyo madax kale.

Wafdiga waxa si wadajir ah usoo  dhaweyey Gudomiyaha Degmada Bursaalax , Agaasimaha Mashruuca , Bahda Waxbarashada degmada iyo Bulshada qaybaheeda kala duwan.

Wafdiga ayaa booqday xarumaha Waxbarashada Degmada sidoo kalana dhagax dhigay Dhismaha Wadada Bursalax.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada ayaa si  gaara u bogaadiyey waxqabadka Jaaliyadda dibadda ku nool ee taageerta Mashruuca horumarinta Degmada Bursalaax,  isagoo xog ogaal u ahaa bilowgi isku daygii guulaystay.

About The Author