Alshabaab oo la wareegtay degmada Balcad

18 Marso 2019 (Puntlandes)  Dagaalamayaal ka tirsan Alshabaab ayaa caawa la wareegay degmada Balcad oo caasimadda Muqdisho u jirta 30KM, kaddib markii ay dhowr jiho ka weerareen.

Sida wararka sheegayaan Alshabaab ayaa la wareegtay goobaha muhiimka ahh ee magaalada sida saldhigga Booliska iyo xarunta degmada, iyadoo ciidamadii dowladda ay isaga baxeen oo ay dhanka Warshada Dharka Balcad u tallaabeen.

Wararka ayaa sheegaya in Alshabaab ay sii daayeen maxaabiistii ku xirneyd saldhigga Booliska, waxaana weli gudaha magaalada ka socota rasaas goos goos ah.

Dagaalamayaasha Alshabaab ayaa degmada Balcad ka soo galay labo jiho oo kala ah wadada jaayga ee ka timaada Afgooye iyo wadada laamiga ee Jowhar ka timaada

Goobjoogayaal ku sugan degmada Balcad ayaa sheegaya in dagaalyahano fara badan ay gudaha u soo galeen degmada, kuna dhawaaqayaan Allaahu Akbar.

Sidoo kale waxaa la sheegayaa in diyaarado ay dul heehaabayaan degmada, lana maqlayo guuxooda, illaa iyo hada lama soo sheegin wax duqeyn ah.

Lama oga illaa iyo hada khasaaraha dagaalka uu geystay, inkastoo ay Alshabaabka cagta soo mariyeen fariisimihii ay ku lahaayeen ciidanka dowladda duleedka Balcad.

Puntlandes.com

About The Author