Maxaad kala socotaa Cabashada Maqaayadaha Garowe?

Kooxda xagjirka ah ee Aaran Jaan oo garwadeen ka ah ama gacanta ku haysa dawladda Puntland ee uu madaxweynaha ka yahy mudane Siciid Cabdulaahi Den ayaa waqti yar gudihii qaadatay qandaraasyo cusub ee oo ay isku naasnuujinayso.

Kooxda Aaran Jaan gaar haan hogaamiyahooda ayaa si gaar ah u qaatay Qandaraasyada kala ah:

  • Cunto siinta hay’adda dawladda, shirarka iyo siminaarada
  • Tigid jarista shaqaalaha dawladda marka ay dhoofayaan gudaha wadanka iyo dibadiisa

 

Cunto siinta hay’adda dawladda

Shirkii Xukuumadda ee sadexda cisho dhawaan ka socday Garowe  waxaa qaatay shirkad uu leeyahay Maxamuud Shido oo la yiraahdo HRM.

Qandaraaska ayaa qoraya in wixii cuno ah isaga laga qaato, isagoo cunaqabateeyey ganacsatadii lahaa meheradaha waawayn ee ku yaalay Garowe, kuwaas oo markii hore dawladdu midba mar ka dalban jirtay.

Muxamauud Shido ma jecla in dadka kale cayshaan oo isaga kaliya inuu faa’iido ayuu jecel yahay.

Arintani Garowe waxay ku noqotay arin ugub ah, waxaan walaac ka muujiyey ganacsatada Garowe meheradaha ku leh, oo ay lasoo deristay cunaqabatayn.

Lam gararayo inuu madaxweynaha Puntland arintan  la og yahay hase yeeshee waxaa jira in madaxweynaha ay maamusho ama ay gacanta ku hayso kooxda Aaran Jaan ee uu hogaamiyo Maxamuud Shido.

Sidoo kale wasiiro uu ka mid yahay wasiirka Qorshayta oo lagu qabtay wasaaradiisa ayaa Maxamuud shido wuxuu kaga faanaa meelaha lagu qaxweeyo inuu keensaday  wasiirka.

 

Tigid jarista shaqaalaha dawladda

Shirkada HRM oo uu leeyahay Maxamuud Shido ayaa qandaraas ku qaadatay Tigid jarista shaqaalaha dawladda marka ay dhoofayaan gudaha wadanka iyo dibadiisa.

Markii hore waxaa jari jiray Ajensiyo kala duwan oo badan oo ku yaala gobolada dalka, kuwaas oo hada noqday shaqo la’aan.

Maxamuud Shido oo ah nin reer Nugaaleed ah ayaa waxa lagu yaqaan inuu shaqada qoro ama soo dhawaysto caa’ilada hoose ee qoyskiisa, isagoo qori dheer isaga xiray dhalinyarada aqoonyahanada ah ee reer Puntland.

Dadka yaqaan waxay sheegaan inuusan jeclayn Maxamuud Shido dadka horumarka sameeya.Hay’addaha dawladda kuwooda ka madax banaan ee uusan keensan waxa uu ugu goodiyaa inuu shaqada ka eryayo haddii aysan qandaraas siin.

 

Puntlandes.com

About The Author