RW Kheyre oo ka hadlay Ciidamada Mushaar la’aanta ka cabanaya (Muuqaal)

19 Marso 2019 (Puntlandes) Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa si kulul uga hadlay Ciidamada Xoogga dalka ee ka cabanaya mushaar la’aanta heysata mudada 4-ta bil ah, kuwaasoo soo baneeyay deegaano ay difaacyo uga jireen.

Ra’iisul Wasaare Kheyre oo xalay ka hadlayay kulan uu soo qaban qaabiyay maamulka Gobolka Banaadir oo looga hadlayay is dhex galka Bulshada iyo Hay’adaha Amaanka, ayaa ka sheegay Ciidanka ay mushaaraadka ka maqan tahay iney yihiin kuwo aan wali la diiwaangelin.

“Maalmahaan horta waxaa la lahaa Ciidamo ayaa mushaar la siin, qof aan mushaarkiisa iyo xaququdiisa la siin majirto, Inta ay ka maqan tahayna waa inta aan la diiwaan gelin, Fadlan geeya goobaha loogu talagalay, ku diiwana geliya, Xuquuqdoodana aniga iga soo doona” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Kheyre.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa dhinaca kale sheegay inay joogsatay lacago Malaayiin Doolar ah oo ay mushaar ahaan u bixin jireen dowladaha Mareykanka, Turkiga iyo Imaaraadka Caraba, balse haatan ay lacagtaasi ku bixiyaan Canshuuraha ay shacabka ka uruuriyaan.

Ciidamo ka tirsan Xoogga dalka, gaar ahaan qeybta 12-ka April ayaa todobaadkan isaga soo baxay deegaanka Dhanaane ee gobolka Sh/Hoose, kuwaasoo aan qaadan wax mushaaraad ah, kana go’day sahaydii loogu geyn jiray xarumahooda, waxaana markii ay ka soo baxeen deegaanka Dhanaane ay la wareegeen Al-Shabaab.


Puntlandes.com

About The Author