Cutubyadii ugu dambeeyay ee Dastuurka Soomaaliya oo lagu wareejiyay Wasaarada Dastuurka

19 Marso 2019 (Puntlandes)  Shantii cutub ee ugu dambaysay Dastuurka KMG ee dib u eegista lagu samaynayey ayaa maanta lagu wareejiyey Guddiga Madaxa banaan ee la socodka iyo Hirgalinta Dastuurka iyo Wasaaradda Dastuurka Xukuumada Federaalka Soomaaliya.

Munaasabadan lagu wareejinayay shanta cutub ee ugu dambaysay Dastuurka KMG ayaa waxaa goob joog ka ahaa Xubno ka kala socda Guddiga dib u eegista la socodka iyo hirgalinta Dastuurka BFS, Guddiga Madaxa banaan ee la socodka iyo hirgalinta Dastuurka iyo Wasaarada Dastuurka Xukuumada Federaalka Soomaaliya.

Guddoomiyaha Guddiga dib u eegista la socodka iyo hirgalinta Dastuurka BFS Senator Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid) ayaa ugu horeyn Kulanka ka sheegay in shantii Cutub ee ugu dambeysay ay ku wareejinayaan Guddiga Madaxa banaan ee la socodka iyo Hirgalinta Dastuurka iyo Wasaaradda Dastuurka Xukuumada Federaalka Soomaaliya.

Muumino Sh. Cumar Guddoomiye ku xigeenka Guddiga Madaxa banaan ee la socodka iyo hirgalinta Dastuurka ayaa dhankeeda sheegtay in shanta Cutub ee lagu wareejiyay ay waajibaadkooda shaqo ka gudanayaan.

Sii hayaha ahna Wasiir ku xigeenka Wasaarada Dastuurka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xuseen Cabdi Cilmi ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin gaba gabada uu marayo Dastuurka KMG ee dib u eegista lagu samaynayay.

Dastuurka KMG ee dib u eegista lagu samaynayay waxaa horay loo dhamaystiray oo la gudbiyay 10 Cutub, iyadoo haatana shantii ugu danbaysay maanta la gudbiyay, iyadoo hada ka dib ay bilaabanayso in la horgeeyo baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Su’aashu waxay tahay dastuursamaynta Soomaaliya xaggee bay Puntland kaga jirtaa? Ma dameeri dhaan raacdaydii lagu yaqaanaybaa?

Puntlandes.com

About The Author