DF oo shaacisay waqtiga ay doorashada Galmudug

20 Marso 2019 (Puntlandes) Dowladda Soomaaliya ayaa ka hadashay doorasho ay sheegtay inay ka dhacayso deegaanada maamulka Galmudug.

Wasiirka Arrimaha gudaha xukuumadda Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye ayaa iclaamiyay in doorashada madaxtinimada Galmudug ay dhaceyso Bisha July ee sanadkaan 2019.

Wasiirka ayaa sheegay in Galmudug ay soo martay marxalado kala duwan oo khilaafaad ah, islamarkaana wuxuu sheegay in doorasada ay ku rajo weyn yihiin inay ku dhacdo waqtiga rasmiga ah ee loo qorsheeyay.

Wasiirka ayaa waxaa uu sheegay in Galmudug dhismaheedii hore dhibaato farabadan laga soo maray, isla markaana horay u jirtay khilaaf ka dhaxeeyey Maamulkii Galmudug ee ku sugnaa Cadaado iyo Ahlusuna oo gacanta ku heysay Dhuusamareeb, hayeeshee xal laga gaaray.

Wsaiir Sabriye ayaa sheegay in Khilaafka Galmudug xalinteeda ay tahay mid u wada yaala madaxda Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Galmudug, isaga oo sheegay inay dadaal badan sameyn doonaan ka hor doorashada Galmudug.

Hadalkaan kasoo yeeray Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya ayaa kusoo aadaya xilli la wada sugayay in dawaladda Federaalka ay cadaado ku dhoodhoobi doonta maamul Galmudug oo maqaar ah, iyadoo doonaysa inay meesha ka saarto  madaxweyne Xaaf iyo Shiikh Shaakir.

Puntlandes.com

About The Author