Daawo wasiir Goodax oo sheegay in uu fashilmay Imtixaanka shahaadiga ah ee Puntland

18 May 2019 (Puntlandes) Wasiirka Waxbarashada Dowlada Federalka Cabdulaahi Goodax Barre ayaa sheegay in imtixaanka maanta ka bilowday Puntland uu fashilmay.

Warkan ka soo baxay Wasiirka Waxbarashada Dowlada Federalka ayuu ka sheegay xilli uu maanta gaaray magaalada Jowhar, isagoo lagu xasuusto hanjabaad uu u jeediyey ardayda, waalidiinta iyo dawladda Puntland.

“Imtixaan Waa fashilmaa, Saacadan la joogo Puntland imtixaaney qaadaysay waa ka fashilmay, wadamada dariska ah iyo aduunka waa ka fashilmaan, laakiin intaan fashil la’aanta u dhawaanay eega, 104 Goobood oo imtixaan lagu qaadayay in Hal kaliya uu ka fashilmay, wey yartahay runtii, da’daal weyn ayaanan galinay Arintaan”

Ku dhawaad 16 kun oo Arday ayaa maanta u fariistay Imtixaanka Shahaadiga ah, deegaanada Puntland walina lama soo sheegan wax fashilaad ah oo dhacay.

Daawo Wasiirka Waxbarashada Cabdulaahi Goodax oo ka hadlaya imtixaanka Puntland


Puntlandes.com

About The Author