Guddoomiyihii Maxkamada Sare ee Puntland oo Geeriyooday

23 June 2019 (Puntlandes) Allaha u naxariistee, waxaa wadanka Turkiga ku geeriyooday Guddoomiyihii maxkamada sare ee Puntland Yuusuf Xaaji Nuur.

Guddoomiyaha ayaa waxaa lagu daawanayey cusbitaal ku yaal dalkaasi Turkiga, halkaasi oo uu Koomo ku galay, kadibna maanta uu ku geeriyooday.

Yuusuf Xaaji Nuur oo 50 sanno ka badan sharciga ku soo jiray ayaa 1998dii, asaaskii Puntland wuxuu noqday guddoomiyihii maxkamada sare ee Puntland.

Yuusuf Xaaji Nuur ayaa mar kale waxaa guddoomiyaha maxkamada sare u magacaabay Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Puntlandes.com

About The Author