Akhriso Madaxweyne Deni oo Magacaabay Taliyaha Qaybta Ciidanka Booliska gobolka Karkaar.

Madaxweyne Deni oo Magacaabay Taliyaha Qaybta Ciidanka Booliska gobolka Karkaar.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr 31 ee Juun, 29, 2019 ku magacaabay Taliyaha Qaybta Ciidanka Booliska gobolka Karkaar.

Madaxweynaha Dowladda Puntland.

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland.

Markuu tixgeliyey: Aqoontiisa iyo Waaya-aragnimadiisa shaqo.
Wuxuu xeeriyey:

1. Waxaa G/Dhexe Cabdulqadir Jaamac Dirir loo magacaabay Taliyaha Qaybta Ciidanka Booliska gobolka Karkaar.

Xeerkani wuxuu dhaqangelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo. Wuuna Saxiixay Madaxweynuhu.

-DHAMMAAD-

About The Author