Sawirro: Safiirka Dalka Hindia u fadhiya Somalia oo booqday Xarunta Wasaaradda Maaliyadda ee Garowe

29 June 2019 (Puntlandes) Safiirka Dalka Hindia u fadhiya Soomaaliya iyo wafti uu hoggaaminaayo ayaa booqasho ku yimi Xarunta Wasaaradda Maaliyaddu ay ku leedahay Caasimada Dawladda Puntland ee Garoowe.

Waftigan waxaa Xarunta Wasaaradda ku soo dhoweeyay Wasiirka Maaliyadda,Wasiirku Xigeenkii Maaliyadda.Wasiirku xigeenka Dakhliga iyo Agaasimayaasha Wasaaradda Maaliyadda.

Safiirka Dalka Hindia u fadhiya Soomaaliya ayaa booqday qaybaha ay ka kooban tahay Wasaaradda Maaliyadda, isagoo warbixin ka dhagaystay habka ay u shaqeeyaaan

Xasan Shire Cabdi Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland ayaa waftigan uga mahad celiyay booqashada ay ugu yimaadeen soona dhowayn nayaan.

dhinaca kale Safiirka ayaa madaxda Wasaaradda Maaliyadda uga mahad celiyay sida ay ugu soo dhoween Xarunta Wasaaradda kuna farax san yahay booqashada uu ugu yimi.

Waftiga Hindia in ay xarunta yimaadaan ayaa waxaa qayb ka ahaa Wasiirka Qorshaynta iyo xiriirka caalamiga ah ee Dawladda Puntland.

 


Puntlandes.com

About The Author