DFS oo bilowday inay ciidamo ka diiwaangeliso magaalada Xudur

09 July 2019 (Puntlandes) Guddoomiyaha Baarlamaanka Federalka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo ay weheliyaan Madaxweynaha Koofurgalbeed iyo Wasiirka Gaashaandhigga iyo mas’uuliyiin kale ayaa maanta kormeeray xero ciidan oo ay ku jiraan maleeshiyaad hubeysan  magaalada Xudur ee gobolka Bakool.

Wafdigan tagey saaka xeradan ayaa waxay kula kulmeen saraakiisha maamusha halkaas iyagoo kala hadlay sidii maleeshiyaadkaas ay ugu biir lahaayeen ciidamada dowlada federalka loona tirakoobi lahaa.

Madaxweynaha Koofurgalbeed C/Casiis Xasan Maxamed Lafta Gareen, ayaa sheegay in xeradaas laga billaabayo diiwaangelinta Ciidamada, waxa uuna u ballanqaaday in diiwaan gelinta iyo tirakoobkooda kadib ay sii joogta ah u heli doonaan xuquuqdooda islamarkaana la daryeeli doono.

Guddoomiye Mursal iyo Wafddi uu hoggaaminayo ayaa shalay tagay Xarunta Gobolka Bakool ee Xuddur,waxaana halkaas ay ka dhagax dhigeen Garoon diyaaradeed iyo xarumo kale.

Puntlandes.com

About The Author