Sawirro: Seychelles oo ku eedeysay Somaliland sii deynta maxaabiis burcad badeed ahaa (muuqaal)

03 August 2019 (Puntlandes) Dowladda Seychelles ayaa cambaareysay go’aankii uu maamulka Somaliland ku sii daayay 19 maxbuus oo ay dawladda Seychelles ku xukuntay Burcad badeednimo.

Madaxweynaha Somaliland ayaa cafis u fidiyay dhowaan maxaabiistaas oo xabsiyo dhaadheer hore ay ugu xukuntay maxkamada Seychelles hoos ka daawo.

War kasoo baxay Wasaarada arimaha dibada Seychelles ayaa lagu sheegay inay la yaab ku noqotay talaabada ay somaliland u cafisay maxaabiistaas, taas oo ka hor imaanaysa heshiiskii ay dawladda  Seychelles horay ugu wareejisay kaas oo ahaa inay xabsigooda ku dhamaystirtaan Somaliland..

Wasaaradda ayaa sheegtay in maxaabiistani ay ku xukunaayeen xabsi u dhaxeeya 30, 36 iyo 42 sanadood, islamarkaana hadda ay xirnaayeen kaliyaha 9 Sanadood oo kaliya

Masu’uul u hadlay wasaaradda Arimaha dibada ayaa sheegay inay sii dayntu ay ku noqotay filan waa, waxaana ay ku siidartay inaysan meelna uga qornayn heshiiskii dhrxmaray Somaliland inay sidaas samayn karto.

Maxaabiistan ayaa waxaa ay haatan soo gaareen magaalada Muqdisho kadib markii uu madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ku wareejiyey odayaal uu hogaaminayey Oday Xaad oo Hargeysa u tagay arintaas.

Hoos ka akhriso qoraal faahfaahinaya oo afka Ingiriiska ku qoran

Seychelles’ authorities view Somaliland’s early release of 19 convicted pirates as breach of deal


Puntlandes.com

About The Author