MAQAAL: Sanad Guurada 21aad Ee Puntland Somaliya Ma U Tahay Ku dayasho Wanaagsan

Sanad Guurada 21aad Ee Puntland: Somaliya Ma U Tahay Ku dayasho Wanaagsan

Markii dhidibada loo aasay Puntland 1998kii, somaliya kama jirin maamul iyo kala danbayn, marka laga reebo Somaliland. Somalidu waxa ay u kala qaybsanayd magaalooying iyo xaafado ay kala xukumayeen Qab-qablayaal (Dagaal-oogayaal), waxayna sameeyeen xariiqo iyo xayn-daab aysan isu dhaafi karin.

Puntland waxay ku dhawaaqday oo ay axdigeeda ku qortay inay raadindoonto Somali oo mid ah, sharafteedii iyo karaamadeediina soo ceshato. Waxay ku heshiiyeen Isimadii, wax-garadkii iyo Siyaasiyiintii udubada u taagay Puntland inay baadi-goob u galayaan, naf iyo maalna u hurayaan soo noolaynta dowlad somaliyeed.

Dowladdii lagu dhisay Kenya oo Cabdulahi Yuusuf madaxweynaha loogu doortay, wuxuu fuliyey balan-qaadkii kowaad oo ahaa inuu dowladu sal-dhigato madaxtooyada, halkaas oo madaxweynayaashii ka danbeeyey xarun u noqotay oo shaqadii kasii wadeen, ilaa iyo hadana xarun u ah.

Puntland waxay hurmuud u ahayd figraddii ahayd in la helo dowlad Federaal ah oo lawada leeyahay, maamulkana loo daadajiyo hoos ilaa gobol iyo degmo, qofwalbana wuxuu dowladda uga baahan yahay, sida Baasaborka(passport), Jaamicad, Dhoofid iyo baahiyaha la mid ka ah uu helo asagoon safar dheer aan u galin. Waxay Puntland dadaal dheer u gashay siduu u hirgali lahaa nidaamkaan Federaalka ah, hadda dadka intiisa badan waa fahamsan yahay faa-iidada iyo inuu yahay fursadda kaliya ee Somaliya midayn kara waqtigaan, horumarna ku gaari karaan.

Puntland waxaa u dhamaystiran rukumadii (laamihii dowladnimada), waxayna heer-wanaagsan ka gaartay dhinaca kaabayaasha dhaqaalaha, dhinaca amniga, iyadoo leh cudud ay kula diriri karto sharwadayaasha Al-shabaab, Daacir iyo wixii qaswadayaal ah.

Marka  la bar-bar dhigo labaatan iyo shanta kun ee magaca Amisom wata iyo kumanaanka askari ee somaliga ah ee awoodi-waayey inay soo afjaraan dagaalka Al-shaab oo lagu qiyaasay dhowr kun, muddo dhowr iyo toban sanno ahna la dagaalamayaan, ammaankii Xamarna u caalwaayeen.

Puntland waxay tusaale u tahay in haddii Somali laga dhex-baxo oo taladeeda loo daayo dadkeeda, inay dooran karto hal-karmeed samata bixin kara. Inta gacmo shisheeye iyo kuwo sokeeye la moodo ay walaaqayaanna meel ma gaarayaan, tusaalana waxaa inoogu filan qaska iyo qalalaasaha ka jira kuwa taladooda iyo tashigooda la gacan togaaleeyey.

Mar-walba, puntland waxay ku dadaashaa sidii loo dhamaystiri lahaa dastuurka ku meel-gaarka ah, xal looga gaari lahaa qaybsiga dhaqaalaha magaca ummadda somaliya lagu helo, dhisidda ciidan qaran oo somalidu u dhan tahay, qaybsiga khayraadka dhulkeena iyo in la helo nidaam doorasho oo xalaal ah.

Humarka puntland waa soconayaa, tusaale wanaagsan bayna somalida inteeda kale u noqondoontaa.

 

Mahamud J. Farah

mahamudjfarah@gmail.com

 

About The Author