DFS oo saartay natiijo hordhac ah oo baaritaanka qaraxii xarunta maamulka gobolka Banaadir ku saabsan

09 August 2019 (Puntlandes) Wasaaradda Amniga Gudaha oo tixraacaayso warbixin baariseed hor dhac ah oo ay sameeyeen hay’adaha Amniga ee DFS kuna saabsan qaraxii ka dhacay Xaruunta Dowladda Hoose ee Xamar 24/07/2019, waxay Wasaaradda Amnigu la wadaagaysaa Bulshada Soomaaliyeed sida soo socota.Qaraxa ka dhacay xarunta gobolka Banaadir ayaa waxaa ku dhintey mas’uuliyiin uu ka mid ahaa guddoomiyihii gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Yariisow,guddoomiye ku xigeeno,agaasimayaal iyo shaqaale kale.

Natiijadan ayaa waxaa lagu sheegay in qarxa uu ahaa mid ay ka dambeysay gabar ka mid ahayd dadkii ka qeybgalay kulankii ka dhacay xarunta gobolka Banaadir.

Halkan ka aqriso Natiijada ay dowlada soo bandhigtey;

Ugu horayn, Dowladda Soomaliyeed waxay tacsi u diraysa intii ku dhimatay, sidoo kale caafimaad deg deg ah u rajaynaysa intii ku dhaawacantay falki foosha xumaa ee ka dhacday Xarunta Dowlada Hoose ee Xamar.

Dowladda Soomaliya ayaa cadaynaysa falkaasi in uu ahaa dhibato loogeestay Shacabka Soomaliyeed.

Baaritaan hordhac ah oo ay sameeyeen Hay’adaha Amniga ayaa lagu ogaaday in ay is qarxisay ruux nafteed haligto ah oo Dumar ah; kana shaqaynaysay Dowlada Hoose ee Xamar, ayadoo kaalmo ka heleysay ruux kale oo Dumar ah oo ku qornaa kaaliye, shaqaalana ka ahayd Xaruunta Dowladda Hoose.

Labada gabdhood ayaa baaritaanku cadeeyey in aan la dhameystirin hubintii loo baahnaay markii la shaqaaleysiinaayay.
Sida lagu ogaaday baaritaanka, labada gabdhood ayaa fasaxyo isku dhow oo Bil gudeheeda ah wada qaatay, iyadoo xogta qaar ay tilmaamtay in ay tageen goobo ay maamulaan Argagixisada.

Nafteed haligtaha ayaa si qaldan ugu tagri fashay caadifaddii ay u hayeen madaxda iyo dadka ay la shaqeynaysay, maadaama ay ka mid aheyd dadka baahiyaha gaarka ah qaba.
Uga dambeen, waxaan Bulshada Soomaliyeed la wadaagaynaa mar labaad in falkaas Argagixiso ee ka dhacay Xarunta Dowladda Hoose loo soo qab qabtay dad lagu tuhunsanyahay in ay ku lug yeelan karaan falkaas, lana hor gaynayo Hay’adaha Garsoorka ee ku shaqada leh .
DHAMAAD

Puntlandes.com

About The Author