Akhriso Dawladda Deni oo Xeer Madaxweyne ku burisay qoraal wasiir

10 August 2019 (Puntlandes) Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxmaan farole ayaa xeer madaxweyne oo namarkiisu ahaa 118 soona baxay 29kii luulyo 2013kii  ayaa waxa uu u aqoonsaday 5 degmo oo ay ku jiraan Baargaal, (gobolka Gardafuu) iyo Ufayn, (gobolka Bari) heerka B.

Qoraal ka soo baxay wasiirka Arimaha Gudaha Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad oo uu ku shaacinayey in gole deegaan loo samaynayo 7 degmo ayuu ku sheegay in dawladda Puntland u aqoonsan tahay Baargaal iyo Ufayn heerka C, taas oo ka hor imaanysa xeer madaxweyne.

Falkana ay ku kacday dawladda Deni ayaa shacabka reer Puntland gaar ahaan shacabka ku nool degmooyinkan waxay ku noqonatay filan waa, laakiin falkani waa dhaqamadii lagu yaqiinay kooxda xagjirka ah ee Aaran Jaan ee garwadeenka ka ah dawladda Puntland ee uu madaxweynaha ka yahay Siciid Cabdulaahi Deni.

Puntlandes.com

About The Author