10 August 2019 (Puntlandes) Xisbiga Waddani ee Somaliland ayaa ku dhawaaqay wakhtiga uu qabsoomi doono shirka Golaha dhexe ee xisbigaasi iyo magaalada lagu qaban doono.
Guddoomiyaha Golaha dhexe ee Xisbiga mucaaradka Somaliland ee waddani Cismaan Afgaab ayaa shir jaraa’id ka sheegay in shirka la qaban doono 28-29 bisha soo socota ee September laguna qaban doono magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer.
Daawo muuqaal Xisbiga Waddani oo ku dhawaaqay wakhtiga uu qabsoomi doono shirka Golaha dhexe ee xisbigaasi iyo magaalaga lagu qaban doono