Guddiga doorashada Jubbaland oo oo si adag uga hadlay qoraalada ka soo baxay dowladda Soomaaliya & Beesha Caalamka

18 August 2019 (Puntlandes) Guddoomiyaha Guddiga Madaxa banaan ee doorashooyinka Jubaland Xamza Cabdi Barre ayaa si kulul uga hadlay warqado is xig xigay oo shalay ka soo bay Wasaarada Arrimaha Gudaha Soomaaliya iyo Beesha Caalamka.

Guddoomiye Xamza Cabdi ayaa sheegay in doorashadii Kismayo ay u dhacday si cadaalad ah, isagoo meesha ka saaray in Wasaarada arrimaha gudaha Soomaaliya wax doora uga banaan tahay ka hadlida sax ahaansheheeda ama iney wax ka qaldanaayeen.

“Dowladda federaalka ah wax ka quseeya haba yaraatee malaha doorashooyinka iyo habraacyada dowlad goboleedyada habkey isku dooranayaan, Dastuurka Qaranka ayaana siinaya oo ay isticmaalayaan ilaa la is waafajinayo Dastuurka Qaranka iyo kuwa dowlad goboleedyada” ayuu yiri Guddoomiyaha.

Waxaa uu dhinaca kale ka hadlay qoraalka ka soo baxay beesha Caalamka, kuwaasoo iyagana muujiyay walaacooda wixii shalay ka dhacay Kismaayo, iyagoo iska diiday mudada yar ee guddiga ku kordhiyeen waqtiga ay qabsoomeyso doorashada oo Saddex cisho ah.

“Horta Beesha Caalamka Talo ayey leedahay dadka Soomaalida ah amarna kuma laha Soomaaliya waa dowlad xor ah oo madax banaan Soomaalidana iyagaa laga rabaa iney heshiiyaan oy wada hadlaan, dadka Sooamalida ah waa iney ogaadaan doorka beesha Caalamka waxa uu yahay” ayuu hadalkiisa ku sii daray Xamza Cabdi Barre.

Si kastaba ha ahaatee Warqad ka soo baxday Beesha Caalamka kuna qorneyd luuqad adag ayaa waxaa lagu sheegay in Guddiga doorashada Jubaland ay sameeyeen wax ka duwan wixii ay Beesha Caalamka kala hadleen markii ay ku kulmeen Magaalada Kismaayo Khamiistii hore, isla markaana haddii aan wax laga bedelin arrimaha socda aanay taageeri doonin hannaanka doorashada Jubbaland.

Puntlandes.com

About The Author