Xildhibaanada Labada Aqal ee taageersan Axmed Madoobe oo eedeeyey Beesha Caalamka

19 August 2019 (Puntlandes) Xildhibaanada Labada Aqal Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee taageersan Axmed Madoobe ayaa war saxaafadeed ka soo saaray hannaanka ay u socoto doorashada Jubbaland, iyagoo eedeyn u jeediyay Beesha Caalamka.

War saxaafadeedka oo loo diray Madaxweyne Farmaajo, Guddoomiyeyaasha Labada Aqal ee Baarlamaanka iyo Ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya ayaa lagu sheegay inay waajib tahay in cid kasta ay ixtiraamto Nidaamka iyo dastuurka dalka.

Xildhibaanada Labada Gole ayaa sheegay in Xukuumadda ay iska indha tireyso Dastuurka iyo shuruucda dalka u degsan, ayna faragelin ku heyso doorashooyinka Jubbaland, taasoo aanay u adeegeyn Maslaxadda dalka iyo tan reer Jubbaland.

Sidoo kale waxaa ay sheegeen in dalalka deriska ah ay faragelin ku hayaan arrimaha gudaha Soomaaliya, taasoo meel ka dhac ku ah Qaranimada iyo madax bannaanida dalka, iyagoo tilmaamay in Saraakiil ka socota mid ka mid ah dowladaha deriska oo taageero ka heleysa Madaxda Villa Soomaaliya ay u soo bareereen inay farageliyaan arrimaha doorashooyinka Jubbaland.

Xildhibaanada Labada Aqal ayaa waxay eedeyn culus u soo jeediyeen Beesha Caalamka, iyagoo sheegay in dadaaladii ay maalmihii la soo dhaafay ku bixinayeen arrimaha doorashooyinka Jubbaland ay u muuqdaan kuwo hal dhinac kaliya culeys saaraya, taasoo ka fog kaalintii laga sugayay ee ahaa inay u hiiliso sharciyadda iyo nidaamka dalka u yaalla.

Hoos ka akhriso war saxaafadeedka


Puntlandes.com

About The Author