Aaway balanqaadyadii Dr Gaas ee ahaa Patency, transparent and credibility

0

 

191

Galkacyo(Pes) Patency (fur-furnaantii),transparent (Hufnaantii) andcredibility (Aaminaadii) uu Dr Gaas tiir dhexaadka uga dhigay markii uu ku jiray ololihiisii doorashada ay ku doorteen Baarlamaanka Puntland nadaxwaynaha Puntland 08-01-2014.

Xukuumada Dr Gaas waxay maalmahay geed gaaban iyo mid dheerba u fuushay siday ku saa,idin lahayd lacagta ama dakhliga soo gala. Iyadoo oolole balaaran u gashay sidii ay u kordhin lahay canshuuraha laga qaado muwaadiniinta reer Puntland.

Waa tastuuri in la bixiyaa canshuurta sida uu Madaxwayne Gaas maanta, (22-07-2014), u yiri markii uu la shirayey agaasimayaasha laakiin soow iyana waajib maaha in xukuumada Gaas la timaado waxqabad dhab ah oo aan af ahayn sidii looga bartay iyo in canshuur bixiyayaasha loo sheego meesha ay ku baxayso canshuurta laga qaadayo.

192

Waxaynu wada ogsoonahay in dadka reer Puntland yihiin dad dowladnimada jecel bixiyana canshuurta ku waajibtay iyagoo xataa og in aan wado sax ah lagu maamulin. Waxaan kaloo wada ogsoonahay in waqtigan xaadirka ah la qaado canshuur farabadan hadana dowladu ku guuldaraysatay in ay daboosho adeegayadii aasaasiga ahaa sida Isbitaaladii, Xabsigii, mashahaarkii shaqaalaha iyo kan ciidamada. Dadka reer Puntland waxaa deeqa dhaqaalahooda oo si saxa loogu maamulo mana hayso dariiqaas xukuumada uu madaxda ka yahay Dr Gaas
Aaway balanqaadkii uu Dr Gaas balanqaaday doorashadii ka hor iyo ka bidba in la diiwaan gelindoono shaxcabkana loo soo bandhigi doono hantida madaxwaynaha, madaxwayne ku xigeenka, wasiirada, xildhibaanada iyo madaxda kale… Waa tan ugu sahlan uguna fiican ka hortaga musuqmaasuqee meeday.

 

Dr Gaas balan qaadyadiisii midna ma fulin waayey? Ma awoodi waayey mise maba ku talogelin markiisii horena? Oo waxay ahayd wax dadka lagu qaldayey kaliya?

Xafiiska wararka iyo faalooyinka

Puntlandes.com

info@puntlandes.com

About The Author

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *