Kordhinta canshuuraha shirar la xiriira oo Garowe ka socda

0

Garowe(Pes) Wasaarada maaliyada oo gacan ka helaysa wasaarada arimaha Gudaha waxay bilabeen tababaro la xiriira kor u qaadida canshuuraha laga qaado muwaadiniinta reer Puntland. Wuxuu maanatay tababarku ku saabsanaa qaar ka mid ah maamulka dowladaha hoose ee degmooyinka Puntland. Iyo sidii ay kor ugu qaadilahaayeen ama u kobcinta lahaayeeb daqliga dowladdaha hoose. Waxaa tababarkaas  lagu qabtay magaalada Garowe.
Tababarkan wuxuu soconaya mudo labo cisho ah waxaa iska kaashaday wasaaraddaha Maaliyadda iyo Wasaaradda arrimaha gudaha.

189

Furitaanka Tababarka waxaa kasoo qayb galay wasiirka Arrimaha gudaha Puntland Axmed Cilmi Cismaan ”Garaash. Wasiirka ayaa dhankiisa ku booriyay ka qaybqaatayaasha  tababarkan  inay aqoonta ay faa’iidaan dib ugula laabtaan deegaanadii ay ka yimaadeen isla markasna ay ku shaqeeyaan.

190

xoghayaha guud eewasaaradda Maaliyadda Axmed Jaamac Jowle oo tababarkaasi ka hadlay ayaa sheegay wasaaradda Maaliyadda inay door muuqda ka qaadato maamulka degmooyinka taasoo iskugu jirta dhaqaale iyo tababaro.

Wasiirka Arrimaha gudaha, hormarinta reer miyiga iyo dowladaha hoose Axmed Garaash ayaa dhankiisa ku booriyay ka qaybqaatayaasha  tababarkan  inay aqoonta ay faa’iidaan dib ugula laabtaan deegaanadii ay ka yimaadeen isla markasna ay ku shaqeeyaan.

 

Dowlada Gaas ayaa u tafaxaydatay sidii ay u kordhin lahayd dakhliga u soo xarooda iyadoo rabta in ay canshuurta kordhiso iyadoon u soo bandhigin canshuurbixiyeyaasha reer puntland meesha ay ku bixinayaan lacagtaas. Waxaan kaloo aan wada ognahay in hada canshhur badan la qaado aanana lagu bixin adeegyadii ay dowladu dadka u haysay iyo mushahaarooyinkii ciidamada iyo shaqaalaha dowlada. Maxaa lagu samayn mid kaloo saa,ida?

Aduunka 1 cent laguma darikaro canshuurta iyadoon la soo bandhigin waxa lagu qabanayo lacagtaas. “Meesha ay xaajafda Gaas tahay Timirtii horeba dab loo waa”

 

Xafiiska wararka

Puntlandes.com

About The Author

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *