Dowladda Kenya oo u hambalyeysay doorashadii Axmed Madoobe

23 August 2019 (Puntlandes) Dowladda Kenya ayaa u hambalyeysay dib u doorashada Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), iyadoo arrintan ay si dhow u muujineyso galaangalka weyn ee ay ku leedahay arrimaha Jubbaland.

War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya ayaa ammaan loogu jeediyay Baarlamaanka Jubbaland, Hoggaamiyeyaasha dhaqanka iyo diinta iyo qeybaha bulshada reer Jubbaland sida nabadda leh ah ee ay ugu qabsoontay doorashada.

Kenya ayaa sheegtay inay weyli diyaar u tahay mar walba inay taageerto, iyadoo oo la jaanqaadeysa siyaasadeeda aas aasiga ah xoojinta deris wanaagga, isla markaana la sii wado nabadda iyo xasilooni waarta inay ka hirgasho Gobolka

Dowladda Kenya ayaa ugu baaqday Maamulka Jubbaland inay si dhow ula shaqeyso dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, si meesha looga saaro fikradaha kala duwan, iyadoo la raacayo dastuurka federaalka iyo qaab dhismeedka sharciga, si loo galo marxalad cusub oo dib u heshiisiin ah.

Hoos ka akhriso war saxaafadeedka oo ku qoran afka Ingiriiska

Puntlandes.com

About The Author