Sawirro: Banaan bax looga soo horjeedo amarkii DGS ay kusoo rogtay diyaaradaha oo ka dhacay Kismayo

31 August 2019 (Puntlandes) Banaanbax looga soo horjeedo amarkii dowladda Federaalka Soomaaliya ku soo rogtay diyaaradaha Kismayo ayaa ka dhacay magaaladaas, iyadoo boqolaal ruux ay isugu soo baxeen waddooyinka.

Banaanbaxan oo uu soo qaban qaabiyay maamulka Jubaland ayaa looga soo horjeedaa amarka lagu soo rogay diyaaradaha taga Kismayo, taasoo ay ku tilmaameen cunaqabateyn iyo go’doomin, iayadoo ay dibad baxayaashu wateen boorar ay ku qornaayeen halku dhigyo kala duwan oo ay ugu soo horjeedeen go’aanka dowladda.

Hey’adda Duulista iyo Saadaasha Hawada dowladda Federaalka ayaa ku amartay diyaaradaha taga Kismaayo iyo kuwa ka yimaada inay soo maraan magaalada Muqdisho, taasoo lagu tilmaamay mid lagu hubinayo dhaq dhaqaaqyada iyo la socodka diyaaradaha ka dega garoonka Kismaayo.

Todobaadkii hore ayay aheyd markii Maamulka Jubaland uu muddo labo cisho uu xayiraad saaray diyaaradaha ka soo dega garoonka Kismayo, sababo la xiriira doorashadii Axmed Madoobe, isla markaana hakisay diyaaradaha ka yimaada Muqdisho iyo Mas’uuliyiinta dowladda Federaalka.



Puntlandes.com

About The Author