Sawirro: Ciidanka AMISOM oo gaaray Dhuusamareeb

31 August 2019 (Puntlandes) Cutubyo ka tirsan Ciidanka Jabuuti ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM ayaa gaaray magaalada Dhuusamareeb, kuwaasoo ka qeyb qaadanaya sugida amniga Shirweynah Dib u heshiisiinta Galmudug iyo howlaha dhismaha Maamulka Galmudug.

Ciidamada Jabuuti oo safar dhinaca dhulka ah uga soo baxay magaalada Beledweyne ayaa soo maray degmada Matabaan iyo Guriceel, waxaana ay si nabdoon ku yimaadeen Dhuusamareeb.

Saraakiil ka tirsan Ciidanka xoogga dalka ee qeybta 21aad iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa Ciidamadan ku soo dhoweeyay afaafka hore ee magaalada.

Gawaarida gaashaaman iyo kuwa xamuulka ah ee ay Ciidamada Jabuuti ay wateen ayaa lagu arkayay bartamaha magaalada Dhuusamareeb, waxaana ay saldhig ka sameysteen Garoonka diyaaradaha iyo xarumo ku yaalla gudaha Magaalada.


Puntlandes.com

About The Author