Guddoomiye kuxigeenkii Gobolka Shabeellaha Dhexe iyo Mas’uuliyiin kale oo qarax lagu dilay

14 sept 2019 (Puntlandes) Qarax ayaa lagula eegtay deegaanka Gololey oo ka tirsan degmada Balcad kolonyo gaadiid ah oo ay saarnaayeen mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Hirshabelle iyo kan gobolka Sh/dhexe.

Kolonyada ay la socdeen Mas’uuliyiintan ayaa ka yimid degmada Balcad, iyagoo ku sii jeeday magaalada Jowhar, waxaa qaraxa miino lagula eegtay agagaarka deegaanka Gololey

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa miino uu ku dhintay Guddoomiye kuxigeenka Maaliyadda Gobolka Shabeellaha Dhexe C/llaahi Shitaawe iyo Wasiirkii hore ee Ganacsiga Hirshabeelle Sabriye Cusmaan.

Sidoo kale waxaa la sheegay in qaraxa uu ku dhintay Xasan Baldoos oo la shaqeynayay mid ka mid ah hey’adaha sama falka ee howlgala Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Wadada isku xirta Jowhar iyo Balcad ayaa muddooyinkii u dambeeyay waxaa ku soo kordhayay qaraxyada miino ee lala eeganayay gaadiidka ciidamada iyo kuwa mas’uuliyiinta.

Puntlandes.com

About The Author