Maamulka Axmed Madoobe oo ka horyimid habraacii doorashada ee ay soo saartay DFS

07 Okt  2019 (Puntlandes) Maamulka Axmed madoobe ee Jubaland ayaa si kulul uga horyimid habraacii soo xulista Baarlamaanka iyo doorashada Madaxweynaha Jubbaland ee ay shalay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya.

Wasiirka Warfaafinta Jubbaland Cabdi Xuseen Sheekh Maxamed oo la hadlay Idaacada BBC ayaa sharci darro ku tilmaamay warqada ka soo baxday Wasaaradda Arrimaha Gudaha.

“Warqadan ka soo baxday Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka waxaan u aragtaa inay tahay mid sharci darro ah oo baal marsan dastuurka dalka u yaalla”ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta Jubbaland.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in dowladda Federaalka ay mar walba ka lalmato maamul goboleedyada, waxaana uu caddeeyay in dhowaan ay qabanayaan caleema saarka Madaxweynaha Jubbaland.

Qoraal ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa lagu sheegay in loo baahan yahay in la magacaabo Guddi farsamo oo loo dhan yahay, kalana shaqeyn doonaan sidii loo soo xuli lahaa Baarlamaan cusub iyo in la qabto shir dib u heshiisiin.

Dhowr jeer oo hore Maamulka Jubbaland ayaa qaadacay qoraalo is daba joog ahaa oo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, waxaana inta badan ahaayeen kuwo aanan dhaqan gelin oo khilaafka labada dhinac sii xoojin jiray.

Puntlandes.com

About The Author