Xubnaha golaha degaanka Buurtinle oo la shaaciyay

16 Okt  2019 (Puntlandes) Wasiirka Arrimaha gudaha Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad ayaa shaaciyay liiska cusub ee xildhibaannada Golaha degaanka Buurtinle, isagoo bulshada degmada Buurtinle ugu baaqay in ay si dhow ula shaqeeyaan xubnaha loo soo xulay degmada.

Golaha cusub ee degaanka degmada Buurtinle ayaa ka kooban 22 xubnood waxaana ku jira 7 dumar ah.

Degmada Buurtinle waxa maalmahan ka taagnaa khilaaf ku salaysan hannaanka xulista xildhibaannada golaha degaanka taasi oo keentay in shalay malayshiyaad caraysan ay qabsadeen xarunta dowladda hoose oo ay ka socotay hawsha xulista xildhibaannada inkastoo markii dambe la xalliyay.

 


Puntlandes.com

About The Author