Bannaanbax looga soo horjeedo Madaxwaynaha DDS Cagjar oo ka dhacay Doollo

09 Nov 2019 (Puntlandes) Badi Deegaanka Soomaalida waxaa ka socda dibadbaxyo looga horjeedo madaxweynaha dowlad degaanka Soomaalida Mustaf Muxumed Cumar Cagjar.

Bannaanbaxyada ayaa looga cabanayaa cabburin la sheegay in Mustaf Cagjar uu ku hayo shacabka dowlad degaanka Soomaalida gaar ahaanna dad kala duwan oo ra’yigooda iyo hadallo ay sheegeen dartood loogu xiray magaalada Jigjiga.

Maanta, mudaharaad ayaa la sheegay inuu ka socdo degmada Yucub oo ka tirsan gobolka Doollo, kaasoo looga cabayo mid kamid ah oday dhaqameedka degaanka Tulli-Guuleed oo shalay lagu xiray magaalada Jigjiga kadib markii uu su’aal kulul weydiiyay madaxweyne Cagjar.

Muxiyadiin Xaaji Abiib oo kamid ah odayaasha dhaqanka ee deegaaanka gobolka Doollo ayaa xabsiga loo taxaabay kadib markii madaxweynaha dowlad degaanka Soomaalida uu weydiiyay su’aal la xiriirta  dhibaatada baahsan iyo barakicinta joogtada ah ee lagu hayo bulshada ku dhaqan  degaanka Tulli-Guuleed.

Degaanka Tulli-Guuleed ayaa waxaa marar kala duwan weerarro culus iyo xasuuq ka gaystay malayshiyaad ka tirsan Qowmiyadda Oromada oo in badan ka laayay bulshada Soomaaliyeed ee halkaasi deggan iyadoo aysan arrintaasi waxba ka qaban xukuumadda Cagjar.

Puntlandes.com

About The Author